Xaflad ay kulan express ugu qabatay oslo dadwaynaha kuna tustay tayadooda iyo adeegooda hufan

OSLO, Xaflad ay xawaaladda cariga ah ee Kulan express u qabatay dadweynaha Oslo

Ogaysiis: Bishaaro Bishaaro Dadweynow Bilkheyr Dhaha Xawaalada Cusub Ee KULAN Express Oo Ah Xawaalad Casri Ah.

 

Xawaalada KULAN Oo Ku dheehan kalsooni, tayo iyo khibrad – iskuna xidhaysa bulshada meel kasta oo ay joogaan aduunka. Shirkadda Xawaalada Kulan waa Xawaalad laga soo shaqaynayey mudo badan, shirkadan waa shirkad casri ah, waxayna dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan  ugu bishaaraynaysaa, kuuna  balan qaadaysaa in sida ugu dhaqsaha badan ay lacagtaada ku gaarsiiso halkii aad ugu talagashay, xawaalada KULAN Express waa shirkad Soomaaliyeed oo leh sumcad iyo amaano isla markaana u balan qaadeysa dhammaan macaamiisheeda adeeg hufan oo ku dhisan deg deg iyo amaano.

Xawaalada KULAN Express waxa ay ka hawlgashaa dhammaanba qaaradaha adduunka sidda Maraykanka, Yurub oo ay ka hawlgasho wadamada England, Holland, Sweden, France, Switzerland iyo dalka Jarmalka Sidoo kale waxa ay xawaaladu laamo aad u waa weyn ku leeyahay magaalada Dubia oo xarun u ah ganacsiga adduunka, waxa kale oo ay xawaaladu ka shaqeysaa wadamada Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Somalia iyo dhammaan gobolada ay ka kooban tahay Somaliland oo dhan.

KULAN Express waxa ay xawaaladaha kale kagga duwan tahay in ay ku shaqeyso hab casri ah oo ku dhisan Technologiyad cusub taas oo ah in lacagta aad xawileyso aad gurigaaga dhexdiisa aad ka xawili karto adiga oo isticmaalaya nidaamka online-ka ah ee ay KULAN Express ku shaqeyso taas oo aad lacagta ku diri karto Credit cards amma Visa cards.

Maamulka iyo Shaqaalaha Xawaalada KULAN Express waxa ay dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u balan qaadayaan in aan kula dhaqano soo dhaweyn diiran iyo adeeg hufan oo ku dhisan deg deg iyo amaano wanaagsan, shaqaalaha KULAN Express waa shaqaalo khibrad u leh xawaalada iyo xiriirka dadweynaha, waxaa sidoo kale aan u mahadcelineynaa macaamiisha sidda joogtada ah lacagaha nooga dirsada iyo kuwa lacagta loogugaan inaad la xidhiidho Maamulka Xawaalada KULAN Express oo laga hello.

Headquarter

Tel: (0047)40622928       Mohamed said
Tel: (0047)96887174       Maygag 
Or: 07545444560
Or: 07939011277

E-mail: info@kulanexpress.com

www.kulanexpress.com




 

Sourse Dillapress.com.